MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mid ka mida Nabadoonada Soomaaliyeed ayaa maanta qaar ka mids reerkiisu xilka ka xayuubiyeen kadib markii wax qabad la’aan lagu eedeeyay.

Ninkaan oo  lagu magacaabo Maxamed Cabdi Shide ayaa Nabadoon u ah Jufada Absuge oo ka tirsan Beesha Waceysle, waxaana lagu eedeeyay inuu ka  gaabiyay abaabulka dagaalada ka dhanka ah Alshabab ee dib u xoreynta deegaanada beeshaasi.

Advertisement

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban shaqooyinkii Nabadoonimo ee reerka uu u hayay islamarkaana shirar lagula xisaabtami lahaa oo dhowr mar lagu balamiyay uu ka baaqday.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu keeni waayay ilaa 13 diyo oo beesha ka maqan,waxay shirka kaga dhawaaqeen inay Nabadoon Maxamed Cabdi Shide   kaga dhamaatay hogaaminta beesha.

Fadhiga waxaa ka soo qeybgalay dad tiradooda lagu sheegay 400 ruux islamarkaana uu ka mid yahay Xildhibaanka Beesha ku matala Baarlamaanka faderaalka Somali laguna magacaabo Maxamed Cajiib.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed Cajiib oo sidoo kalana ah Milkiilaha Dalsan Radio iyo Dalsan Tv  uu soo abaabulay mashruucaan nabadoonka xilka looga xayuubinayo.

Si kastaba lama oga siday sharci ku noqon karto xilka qaadistaan madaama aan loo marin dhanka dhaqanka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMacalinka Labaad ee Xulka Galmudug oo Ganaax la dul dhigay
Next articleXuutiyiinta oo gubay markab marayay Badda Yeman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here