Waxa wali sii socda weerarada kooxda xuutiyiinnta Yemen ku hayaan maraakiibta mareysa Bada iyagoo si gaar ah u eegta luwa reer Galbeedkab iyo Yuhuuda

Laba markab ayay sheegeen inay weerareen saacadihii ugu danbeeyay oo uu ku jiro Markab laga leeyahay Dalka Giriiga.

Advertisement

Markabka Giriiga ee ay weerareen waxaa magaciisa lagu sheegay Star Nasia kaasoo ay gantaalo la heleen waxaana gaaray bur bur baaxad leh walow aaney jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray shaqaalihii markabka.

Markabka labaad waxaa laga leeyahay Britain mana jirto waxyeelo soo gaartay sida uu warbaahinta u sheegay milkiilaha iska leh.

Cabdul Maalik Al-Xuuti oo ah hor joogaha Xuutiyiinta ayaa mar kale fariim hawada u mariyay adduunka gaar ahaan reer Galbeedka isagoona ku hanjabay inay sii wadi doonaan weerarka ilaa iyo inta uu socdo dulmiga lagu hayo reer Gaza.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAbiy Ahmed: ‘Ma rabo inaan la dagaalo Soomaaliya’
Next articleMareykanka oo wali aan ka quusan xabad joojin laga hirgeliyo Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here