Balibusle(dayniiile.com)-Maamulka Puntland ayaa ku guuleystay inuu heshiis dhex dhigo beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Deegaanka Balibusle ee Gobolka Mudug kadib markii mudo asbuuc ah loo fadhiyay arintaan.
Howshaan nabadeynta ah waxaa iiska kaashaday Isimada Gobolka, Nabadoonada iyo Taliska Qaybta Booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.
Gudi loo saaray heshiisiinta beelaha ayaa ka saxiixay qodobo la isla gartay sida in labada Maleeshiyo Beleed la kala qaado, iyo wixii la isku hayo loo bandhigo shareecada Islaamka laguna xaliyo.
Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa kula dardaarmay in nabada laga wada shaqeeyo islamarkaana si wadjir ah loogu guntado in wax dambe aysan dhicin.
Taliyaha ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabada heshiiska lagu gaaray oo uu goob joog ka ahaa isaga saraakiil ka socotay Daraawiishta puntland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
DAYNIIILE.COM











