Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlada goboleeddka Galmudug waxaa shalay ku geeriyooday Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobk Galmudug ciyaarahii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.

Allah u raxmadee Muxyadiin Cabdi Muriidi ayaa ku geeriyooday isbitaalka Central Hospital oo ku yaalla magaalada Dhusamareeb, kadib maalmo kooban oo uu xanuunsanaa sida uu BBC-da u xaqiijiyey gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug, Xasan Axmed Shire.

Advertisement

Agaasimaha isbitaalka Central Hospital Cali Axmed Barre ayaa sheegay in labo jeer oo kala duwan loo keenaya ciyaartooyga laguna wargaliyay in mudooyinkii danbe uu xanuusanaa oo xataa uusan ciyaarin kulamadii danbe ee kooxdu dheeshay.

“Habeen saddexaad goor sideed saac ah ayay noola keenaya, daawooyin xanuun baa’biye iyo gaas ayaan siinay, wuu roonaaday, dorraad ayaa mar kale naloo keenay asaga oo kooma ku jira” ayuu yiri Agaasime Cali Axmed Bare.

Waxa uu sheegay in baaritaano kala duwan ay ku sameeyn markii loo keenay balse aysan ka helin wax xanuun ah, wallow uu sheegay in aysan haysan qalabka madax lagu baaro ee Scan-ka isaguna uu aad madax uga sheeganayay.

“Madax ayaa aad looga hayay oo uu ka sheeganayay anaguna ma aan haysan scan aan ku baarno oo gobolka oo dhan lagama helo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Gudoomiyaha xariirka kubada-cagta Galmudug, Xasan Axmed oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in xanuunka Muxyadiin uu soo biloowday intii ay socdeen ciyarihii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir isla markaan la geeyay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

“Dhowra mar ayuu xanuunsaday intii aan Xamar joognay ee ciyaarahu ay socdeen, isbitaalo kala duwan ayaa la geeyay, waa la baaray xanuun weyn lagama helin, marka wuu iska fiicnaaday” ayuu yiri gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug.

Muxiyadiin Cabdi Muriidi Diinow laacibkii garab danbeedka bidix ee Galmudug oo ahaa ciyaaryahan xirfad leh, waxaa uu u dheelayay Galmudug saddexdii ciyaar ee ugu horeysay ciyaarahii dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir sida uu noo xaqiiyeyay Cabdiraxman Cabdullahi Xuseen oo ahaa macalinkii Muxyidiin.

Laacibanka ayaa Waxaa uu qeyb weyn ku lahaa gushii ay gareen xulka Galmudug.

Gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug waxaa uu sheegay in dabaal-dagii iyo safarkii xulka ee dhusamareeb iyo soo dhaweeyntii loo sameeyay uu ciyaaryahanka qeyb ka ahaa balse maalinkii ay Guriceel ay u safarayeen uu xanuun ku soo booday.

“Maalintii xulku Gurceel aadayay ayuu dhahay xanuun ayaan dareemay, isbitaal ayaan gaynay dhaqaatiirta ayaa baaray, malaariyo ayaa lagu sheegay, markii danbe waxaa ku dhagay naqaska, ogsijiin ayaa lagu xiray ilaa uu ka geeriyooday” ayuu BBC-da u sheegay Xasan Axmed.

Meydka marxuumka ayaa maanta loo qaaday magalada caasimada ee Muqdisho halkaasi oo ay dagan yihiin qoyeskiisa ayna ka socota qaban qaabada aaskiiisa.

Cabdi Muriidi Diinow oo ah aabaha dhalay Muxiyidiin oo an la xariirnaya ayaa sheegay in uusan hadal Karin oo uu aad uga murugysan yahay geerida wiilkiisa.

Kumuu ahaa Muxyadiin Cabdi Muriidi Diinow?

Muxyadiin Cabdi Muriidi Diinow waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi sanadkii 1999-kii.

Muxyadiin ayaa ahaa ciyaaryahan kasoo bilaabay kubada dugsigii hoose ee uu dhigna jiray, sida uu BBC da u sheegay Cabdiraxman Cabdullahi oo macallin ka ah xulka Galmudug, ilaa yaraantiina ay is yaqaaneen Muxyadiin.

Dagamada wardhiigleey ayuu sheegay in uu usoo ciyaaray ilaa sadex sano isaga oo ilaa sadex jeer la gaaray afar dhamaadka ciyaarta.

Intaas kadib ayuu tilmaamay in uu ku biiray kooxada Madbacada oo hada dheesha heerka labaada ee ciyaaraha Soomaaliya.

Bishii November ee sanadkii hore ayay xulka Galmudug kasoo qaateen kooxda Madbacada.

“Shaqsiyan wuxuu ahaa qof hufan, aqlaaq badan, nadiif ah aan hadal badanayn oo mustaqabal ka leh ciyaaraaha” ayuu uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha xariirka kubada cagta Galmudug Xasan Axmed.

Xulka Galmudug ayaa dhawaan markii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay geerida laacibkan ka tirsanaa xulka Galmudug.

“Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha,” ayuu madaxweyne Qoor-Qoor ku yiri qoraal lagu daabacay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaasi kusii daray “Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida, Ilaahey haka sabar siiyo.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleDowlada Imaaraadka oo ka hadashay saraakiisha looga dilay Muqdisho
Next articleC/raxmaan C/shukuur muxuu ka yiri weerarkii xerada Gordan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here