War ka soo baxay Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa looga hadlay toogashadii xalay ka dhacday Muqdisho kadib markii nin xirdaa dareyska ciidamsds Dowlada uu laayay saraakiil u dhalatay Dalka Imaaraadka.

Warkaan oo si gaar ah uga soo baxay  Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in weerarka Muqdisho ay ku  shahiideen 3 ka mida ciidamadooda qalabka sida  iyo askari u dhashay Dalka Baxreyn   kuwaasoo Somalia u joogay tababar siinta ciidamada Soomaaliiya.

Advertisement

Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Imaaraadka waxay sidoo kale sheegeen in laba askari kaga dhaawacmeen weerarka xalay oo ay ku tilmaameen fal  argagaxiso.

Dowlads Imaaraadka warka ka soo baxay waxaa lagu cadeeyay in ciidankaas ay u joogeen Soomaaliya waajibaad shaqo oo ah tababarka iyo tayeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Tababar bixinta Imaaraadka ayaa qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ee Qaab-dhismeedka iskaashiga milatari ee labada dal.

Dhanka kale Dowladda Imaaraadka ayaa warkooda waxay ku xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya ee lagu baarayo fal-dambiyeedkaas argagixisinimo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMadaxweyne Xasan oo Caawa Isbitaal Digfeer ku booqday saraakiishii Imaaraadka ee ku soo dhaawacmay toogashadii xerada Gordan
Next articleMaxaa sababay geerida laacibkii xulka Galmudug?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here