Ciidanka Kumaandooska xoogga Dalka ee DANAB iyo Gorgor ayaa howlgal lagu xaqiijinayay ammaanka ka sameeyay deegano dhowr ah oo hoosyimaada dagmadda Galcad ee gobolka Galgaduud.

Deeganada Ceel qurac, Galgoof iyo dhulka Howdka ah ee u dhaxeeya Gal libaax iyo Alfuraad, ayaa howlgalka laga sameeyey,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab oo dadka deegaanka kaqaadayay lacago ay ku tilmaamayeen Sakaawaad.

Advertisement

Saraakiisha hogaamineysay howlgalkaan ayaa sheegay in ay kawar heleen Xubno kamid ah Shabaab oo si dhuumaaleys ah ku imaanayay deegaanadaasi.

Dowladda Soomaaliya ma sheegin khasaaro ka dhashay howlgalka iyo waxyaabo lagu soo qabtay, hayeeshee Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan.

Previous articleDEG DEG: Weerar toos ah oo lagu Saakay barkoontarool ee ku yaalo Muqdishu
Next articleMuqdisho oo lagu soo dhaweeyo Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here