Garowe (dayniiile.com)-Xubnaha Siyaasiyiinta Puntland ee ku mideysan Dallada Mucaaradka Puntland ayaa maanta shir waxay ku yeesheen Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Mucaaradla Puntland waxay si rasmi ah uga hor imaadeen go’aankii shalay Garowe looga dhawaaqay jadwalka Doorashooyinka Puntland gaar ahaaan madaxweynaha iyo gudoonka Baarlamaanka oo isku mar dhacaya  kaasoo ay soo saareen Gudiga doorashoouinka Pec.

Advertisement

Mucaaradka waxay sheegeen jadwalka ay soo saareen Gudiga oo awalba sideey shegeen sharci daro uu ku dhisay Dani ay hadana jadwalka Doorashada ay soo saareen uu yahah mid dhaafsiisan muda xileedkii heshiiska lagu ahaa.

“Jadwalkaan doorasho waxaan u aragnaa  mid mudo kordhin loogu sameeyay mudado xileeskii 5-ta sano ee Madaxwey  Saciid Dani oo la rabay inuu Janaayo 2024 qabto doorashada”ayaa lagu yiri warka mucaaradka.

“dalladu waxay nasiib darro u aragtaa iyadoon heshiis lagu ahayn doorasho la’isla ogol yahay in beeg uu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku dhisay si baalmarsan dastuurka dowladda Puntland ay soo saarto jadwal doorasho oo dhaafsiisan muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo ay dalladdu u aragto muddo kororsi aan dhammaad laheyn” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafeedka.

Talaabo khatar ku ah Puntland ayay mucaaradku ku  tilmaameen iyadoo Ismadii kulamo uga socdaan iGarowe uu Saciid Dani u bareero inuu mudo kordhin sameysto isagoo ka hordhacaya xal raadinta Isimada.

Ugu danbeyn Mucaaradku wuxuu ugu baaqayaa Isimada iyo waxgaradka puntland in meel looga soo wada jeesto Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaadka yahay ee Saciid Dani.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleShirka Wasiirada oo maanta looga hadlay isbadalka Cimilada+SAWIRRO
Next articleDagaal khasaare dhimasho sababay oo Muqdisho ku dhex maray Nabad-sugida iyo Booliiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here