Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.

Shirkan oo ah midkii labaad ee ay yeeshaan Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka Cimilada ayaa looga hadlay sidii dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhanka cunnada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka oo saamayn balaaran ku leh shacabka Soomaaliyeed.

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay siday ay Xukuumadda #DanQaran uga go’an tahay dardar gelinta arrimaha la xiriira wax-soo-saarka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ula soo bixi lahaayeen dalagga dalka isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka noocyada badan ee dalkeenna ceegaaga.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcale

Previous articleShir-weynaha Caafimaadka oo ka furmay Dhuusa-mareeb+Sawirro
Next articleMucaaradka Puntland oo ka hor yimid go’aankii Gudiga doorashooyinka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here