Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho Xamse Warfaa oo ah la taliye sare oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka u qaabilsan dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo maanta dalka soo gaaray.
Xamse Warfaa ayaa ah masuulkii ugu sarreeyey ee asalkiisu Soomaali yahay oo xil ka qabta Xukuumadda Mareykanka, waxaana la taliye sare u magacaabay Madaxweyne Joe Biden 2022.
Ujeedka Socdaalka uu Xamse ku yimid dalka ayaa daaran sidii uu ugu kuurgeli lahaa horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, isla markaasna uga shaqeyn lahaa sare-u-qaadidda danaha ka dhaxeeya labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.
la taliye Xamse ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada Aqal, Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna ku Simaha Xoghayaha iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa Xamse Warfaa oo ah Wiil Soomaaliyeed u magacaabay inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.
Xamse ayaa Mareykanka galay sanadkii 1990-meeyadii asiga oo ku galay qaxootinnimo. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.
Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Xamse Warfaa loo xushay inuu noqdo ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota, isagoo diiradda saarayay sare u qaadista dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.
Markii xilkaas loo magacaabay waxa uu noqday qofka keliya ee qaxooti Afrika kasoo jeeda ah oo dowladda Minnesota ka qabtay jagadii ugu sarreysay.
Waa aqoonyahan heysta shahaadada mastare-ka ee cilmiga maamulka hay’adaha iyo hoggaaminta oo uu ka bartay jaamacadda Springfield College ee gobolka Massachusetts. Sidoo kale waxa uu shahaadada heerka koowaad ka heystaa seyniska siyaasadda, oo uu ka bartay jaamacadda San Diego.
Sanadkii 2014-kii, Xamse waxa uu soo jiitay indhaha warbaahinta kaddib markii uu soo saaray buug uu ka qoray sida ay Soomaalida ugu safraan Mareykanka.
Xamse waxuu si gaar ah ugu biirayaa xafiiska dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya Madaxweynaha Mareykanka go’aan ka gaaridda tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta.