Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday xarun ciidan oo ku taalla waqooyiga Israa’iil.

Weerarkaasi waxaa ku dhaawacay ugu yaraan 14 askari, Ururka Xisbullah ayaa tilmaamay in weerarkaani uu ahaa mid aargoosi ah kadib duqeyn Yuhuuda kaga timid markaasoo ay dhinteen xubno Ururka ka mida.

Advertisement

Kooxdan la safan Iran ayaa sheegtay in ay weerar isugu jira gantaalo la hagayay iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen xarun cusub oo sahan ciidan ah oo ku taal Arab al-Aramshe, oo ah tuulo ay ku badan yihiin Carabta oo ku taal waqooyiga Israa’iil una dhaw xadka Lubnaan.

Milatariga Israel ayaa sheegay in 14 ka mid ah askartooda ay ku dhaawacmeen weerarkii Arbacadii lix kalena ay xaaladoodu halis tahay.

Dhanka kale milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen xarumaha  Xisbullah ee bariga Lubnaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii Israa’iil ay duqaymo ka fulisay koonfurta Lubnaan ay ku dishay saddex qof oo uu ku jiro taliye ka tirsan Xisbullah oo ay ciidamada Israa’iil ku sheegeen magaciisa Ismail Yusaf Baz.

Israa’iil waxay sheegtay in duqaymahaas hore  ay ku dishay laba taliye oo ka tirsan ururka Xisbullah iyo mid kale halka ay kooxdu sheegtay in saddex ka mid ah la dilay.

Maamulka maxalliga ah ee Israel ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof ay ku dhaawacmeen weerar ka yimid Lubnaan horaantii Talaadadii.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Emergency response forces work after it was reported that people were injured, amid ongoing cross-border hostilities between Hezbollah and Israeli forces, near Arab al-Aramashe in northern Israel

Previous articleShirka Wasiirada oo lagu ansixiyay heshiisyo Dowladu la gashay Dalka Tanzania+SAWIRRO
Next articleHowlgal laga sameeyay Gobolka Bay oo Al-shabaab lagu laayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here