BARDAALE (DAYNIILE.COM)-Sida lagu baahiyay warbaahinta Dowlada Somalia howlgal ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay iska kaashadeen ayaa lagu laayay tira ka mida kooxda Alshabaav.

Wararku waxay tilmaamayaan in Ciidamada Nabad sugida Dowlada iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay howlgalkaan si gaar ah uga fuliyeen deegaanka Taflow oo hoos taga Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Advertisement

Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka waxay dileen 10 ka tirsanaa dagaalamayasha Alshabaab sida uu warbaahinta Dowlada u sheegay Cusmaan Xasan Maxmed oo ka mid saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaas.

Sarkaalkaani wuxuu xusay inay la wareegeen goobaha ay howlgalka u tageen islamarkaana ay ka eryeen Alshabaabkii ku sugnaa.

Cusmaan Xasan Maxmed wuxuu intaas ku daray inay ciidamada deegaanku maamulayaan goobahaasi.

“Dadka deegaanka dhibaato ayay ku hayeen xitaa biyaha warta waa laga iibinaayay shacabka laakiin hada guul baa laga gaaray oo waxaa deegaanadaasi gaaray  kana saaray Alshabaab ciidanada Nabad sugida Dowlada Somalia iyo dadka deegaanka oo iskaashanaayay”ayuu mar kale yiri Cusmaan Xasan Maxmed

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleUrurka Xisbullah oo weeraray saldhig ciidamada Israa”iil
Next articleMareykanka oo lagu wado inuu codka Viitowga ku hor istaago aqoonsiga Dowlad Falastiin leedahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here