=Qore: Yahya Amir=

Been fakatay. Saxiibkeey ayaa Maanta Been igu cabay. Markuu igu yiri:

Advertisement

Wadooyinka Magaaladu waa xiran yihiin ee Guriga iska joog, waxaa Dekadda ku soo Xiranayo Markab Turkigu leeyahay oo hor kici doono Raxan Maraakiib ah oo ilaalinee Xeebaha Somalida si loo fuliyo Heshiis ay Somalida iyo Turkigu wada galeen. Taa oo beenoowday.

Waxaan iska joogay Guriga, Laakin waxaan raadiyay Xogta dhabta ah ee Markabkaan. Waxaan ogaaday in Markabkani uuna wax shaqa ah ku leheyn ilaalinta Xeebaha Somalida iyo Heshiiskii Labadda Dal ee uu yahay Markab u socdo Safar Taariikhi ah oo hore ugu qorsheeysnaa oo uu ku tagayo 22 Dekedood.

Safarkaa oo lagu xusayo Sanad guuraagii 100aad ee Xiriirka deplomaasiyadeed eeTurkey iyo Japan iyo Sanad guuraagii 13 4aad ee markii Markabkii Turkiga ee la dhihi jiray (Ertugrul frigate) uu tagay Dalka japan, markabkaa oo loogu magac daray Asaasihii Boqortoyadii Osmaaniyiinta. (F.S:1-2)

Tariikhda Markabkaa oo weli la xuso ayaa ah. Markabkaas waxa uu Howl bilaabay Sanadkii 1863. Muddo kadib ayuu aaday safar dheer. Markii uu ka soo noqonayay Safarkii Dalka Japan sanadkii 1890. Safarkaa oo Maanta laga joogo 134 Sano. Ayaa Markabku Quusay waxaana ku geeriyooday 500 Ruux oo ciidan iyo Saraakiil Turkiya ah, uuna ka mid ahaa Admiral Cusman Cali Basha. Waxaana ka soo badbaaday oo kaliya 69 Ciidan iyo Saraakiil ah oo markii Dambe uu Japanku ku soo Celiyay Dalkoodii Turkiga.

Maanta 23/April 2024.waxaa Magaaladda Mogadishu yimid Markabka TCG – KINALIADS ( F514)…..( F.S: 3-4aad)
Safarkiisa waxa uu soo bilaabay 8 April 2024 waxa uuna ku egyahay 19 August 2024.

Dekadaha uu tegayo iyo wadamada ay ku yaaliin waa 22 Dekadood oo Saddax ka mid ah ay yihiin Dalka Japan. Kuwaa oo kala ah:

1. Jidda/Sucuudiga.2. Djibouti /Djibouti. 3.Mogadishu /Somalia.4. Male/Maldives. 5.Chittagona/Bangladeshi.6. Kuala Lumpur /Malaysia.7. Jakarta/Indonesia. 8.Bangkok /Thailand. 9.Hong Kong /China. 10.Busan/South Korea. 11. Kushimoto/Japan. 12. Tokyo /Japan. 13. Hiroshima/Japan. 14.Manila/Philippine. 15.Singapore /Singapore. 16.Colombo /Sri Lanka. 17.Mumbai /India. 18.Muscat/Oman. 19.Doha/Qatar. 20. Abu Dubai/UAE. 21.Karachi/Pakistan. 22.Aqaba/Jordan.

Marka aan ka tago, hadaalada Siyaasdeed, kuwa Deplomasiyadee, maalinta Xuriyadda iyo Maalinta Carurta. Waxaan ogaaday in Saaxiibkeey uu ku saxnaa in Markabku Mogadishu imaanayo iyo in wadooyinka la xirayo. Laakin waxa uu ku khaladaan Sababta uu Markabku u yimid Somalia taa oo Isaga Been lagu cabay, in uu hor kacayo Maraakiib Xeebaheena ilaalinee. isaguna uu Aniga igu sii cabay. Laakin waxaan ka faa’iiday in aan Guriga ku nastay Maanta, kadibna aan Raadiyay oo aan diyaariyay Xogtaan oo iga maqneed, laga yaabee in Adigana Been laguugu cabay.

FG : wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

Previous articleGuddoomiyaha Hay’adda SoDMA, oo Adis-ababa uga qeybgalay Shir muhiim ah +SAWIRRO
Next articleTahriibayaal ku geeriyooday Badda  Jabuuti kadib markii dooni la degtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here