Todobo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeyntii ugu dambeysay ee Israa’iil ay ka geysatay Rafah, oo ku taal koonfurta marinka Qaza, sida uu sheegay Wafa.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa sheegay in wadahadalada xabad joojinta Gaza ay yihiinturuntuur iyo in dhinacyada qaar ay dhexdhexaadinta u adeegsadeen dano siyaasadeed oo cidhiidhi ah.

Advertisement

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta  loo qorsheeyay inuu u codeeyo codsi ay Falastiiniyiintu ku dalbanayaan inay si buuxda uga mid noqdaan Qaramada Midoobay, tallaabadaas oo la filayo in Maraykanka – oo ah saaxiibka ugu adag ee Israa’iil – uu joojiyo.

Mareykanka ayaa sidii laga bartayba waxaa lagu wadaa inuu codkiisa diidmada qayaxan ee viitowga uu ku hor istaago aqoonsi Qaramada Midoobe siiso Falastiin.

Ugu yaraan 33,899 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,664 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

a plume of grey smoke rises in the background in a city street

Previous articleHowlgal laga sameeyay Gobolka Bay oo Al-shabaab lagu laayay
Next articleMaxay ka wada hadleen Puntland iyo Beesha Caalamka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here