Muqdisho (dayniiile.com)-Waxaa Maanta askarta hortooda shaqada looga eryay laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta Xamar ee Booliis-Milatyaariya.

Labadaan asakri waxaa shaararka ciidamada looga siibay Ciidamadii ay ka tirsanaayeen hortooda iyadoo waliba saxaafadana ay goob joog ka ahayd.

Advertisement

Labada askari waxaa lagu eedeeyay laguna helay fal danbiyeed ah inay dharkii Ciidamada iyo hubkii Dowlada ku dhaceen dad shacaba iyagoo ka qaatay Taleefoon gacmeedyo badan kadibna la soo qabtay sida uu sheegay taliyaha guutada ay ka tirsanaayeen.

Taliyaha guutada 23-aad ee ciidamada Xasilinta Xamar Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa saxaafada iyo ciidamadaba tusay sawiro ay qaadeen waaxda danbi baarista CID kuwaasoo cadeynaya dhicii ay gassteen iyadoo mid kasta lagu sawiray wixii uu dhacay.

No description available.

Taliye Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa askarta hortooda uga dhawaaqay in wixii ka bilowda maanta 27-ka November 2023 aysan labadaasi dhalinyarada ah Askar-ta ka mid ahayn islamarkana loo celinayo xaafadahoodii sidaasna ay shacabka uga mid yihiin.

Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inay ku balan baxeen dhaartii ay shacabka u dhaartee, wuxuu dharka kaga saaray  meel fagaare ah walow uu u reebay surwaalada

“askartaan iyo kuwa hada jidka ku soo jira ee isku dayi doona inay dhac gaystaan saan ayaa u danbeysa waxaa laga saarayaa ciidamada,Dowladu waxay dhaqaalaha ugu bixineyso ciidamada waa in shacabka loo adeego ee maaha in shacabkii la dhaco”ayuu yiri Gaashaanle Aadan Jeelle

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleRa’iisulwasaaraha oo xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Caafimaadka Jubaland+SAWIRRO
Next articleXildhibaan Kulane Jiis oo weerarka afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here