Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulada Matabaan,Guri-ceel iyo Geri-jire ayaa wada jir shir jaraa’id ay u qabteen waxay kaga hadleen burcad dhawaan dhibaato ka geysatay duleedka Matabaan.
Madaxda iyo Saraakiisha warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in gacanta lagu soo qabtay afar burcad ah oo dhibaato ka gaystay deegaanka Bacda ee hoos tagta magaalada Matabaan Gobolka Hiiraan.
Kooxahaani burcada waxay rasaas ku fureen gaari dad shacaba ay saarnaayeen kadibna waxay u baxsadeen dhanka Itoobiya.
Mid ka mida masuuliyiinta hadashay ayaa sheegay in la soo qabtay eedeysanayaasha kuwaasoo deegaanka Bacda dhibaato ka gasytay .
“cid kasta oo danbi gashay sharciga ayaa la horkeenaya mana aqbali karno in nqof danbiile uu si caadi ah u sii joogo deegaanaadii uu dhibka gaystay”ayuu yiri mid ka mida masuuliyiinta.
Madaxdaan waxay uga digeen qof kasta oo fal nuucaana ku dhaqaaqda inay mari doonto sharciga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM