Balcad (dayniiile.com) Dagaalyahano badan oo Alshabaab ka tirsan ayaa soo buuxdhaafiyeen deegaan ku dhaw Magaalada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe sida ay sheegtay idaacada kulmiye.

Xalay ayay soo gaareen deegaanka Ceel-geeloow oo u dhexeeya Qalimoow iyo Balcad lamana oga ujeedkooda.

Advertisement

Ciidamada Dowlada ee ku sugan Qalimoow ayaa kor kala socda dhaq dhaqaaqa Alshabaab ay wadaan waxayna bilaabeen inay sameeyaan roondooyin.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay inay ku biireen ciidamo hore difaac kaga jiray deegaanka Ciid-Ciidka ee duleedka Magaalada Mahadaay ee Gobolka Sh,dhexe.

Deegaanka Ciid-ciidka oo ah halka ciidamada dheeraadka la gaayay waxaa la soo sheegayaa inay mudo asbuuc ah ku go’doonsan yihiin boqolaal ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab kuwaasoo afarta dhinac laga fadhiyo.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay iska difacaya in nolosha lagu qabto iyaga iyo hubkooda halka kuwa Dowladana ay isku dayaan mar kasta sidii ay uga guuleysan lahaayeen Alshabaabkaasi iyagoo jiha kasta ka xiray inaan gurmad uga iman aysan ku baxsan.

Lama yaqaan waxay quud ka dhigtaan madaama ay asbuuc dhan ay howdkaasi ku go’doonsan yihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here