Baqdad (dayniiile.com- Wadanka Ciraaq Xaflad Aroos ayaa mar kaliya isu badashay goob murugo,oohin iyo tacsi markii uu dab ka kacay.

Wararka ka soo baxay xaflada aroos ayaa lagu sheegay inay dhinteen dad ka badan boqol ruux halka tira kalana ay dhaawacmeen.

Advertisement

Hay’adaha amnaanka ayaa waxay sheegeen in rashka laga shiday dabaal-degga arooska uu sababay inuu dab qabsado hoolka ay ka socotay xaflada arooska.

Masiibadaan waxay ka dhacday Degmada Hamdaniya ee Waqooyiga Dalka Muslimka ah ee Ciraaq.,waxaa  la arkaayay kooxaha gurmadka oo dadaao badan sameynaya si ay dabka u baktiijiyaan.

Si kastaba Arooska iyo aroosada ayaa ka mid noqoday dadkii xalay ku dhintay dabkii ka kacay xaflada aroskoda sida ay sheegtay BBC-da.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM..

Previous articleXoolo dhaqato Somali Kenyan ah oo la la’yahay
Next articleCiidamada Itoobiya oo kuwa taageersan Barre Hiiraale oo Saaka isku hor fadhiya Magaalada Dooloow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here