Gaza (dayniiile.com)-Wararkii ugu danbeeyay oo goor dhaw oo Caawa ah aan ka heleyno Marinka Gaza ayaa sheegaya inay socdaan dagaalo dhanka dhulka ah iyo kuwa cirka ah.

Dagaalada Dhulka ayaa ka socda Koonfurta halka kuwa duqeymaha ay ka socdaan dhanka Waqooyi ee Marinka Gaza.

Advertisement

Aabaha dhalay Wariyaha Al-Jazeera ee Gaza uga soo warama Anas al-Shariif oo 65 jir ah ayaa  Caawa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ka geysanayan  Gaza.

Allaha ui naxariistee Aabaha dhalay wariyaha ayaa diyaaradaha Yuhuudu ku duqeeyeen gurigiisa oo ku yaal waqooyiga marinka Gaza.

Wariyayaasha ayaa ka deyrinaya xaalada Gaza iyagoo ku tilmaamaya inay sii noqoneyso meel aan lagu noolaan karin oo xaalad khatara ku jirta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIII;LE.COM


Previous articleDab Caawa mar kale meelo kala duwan ka kacay
Next articleTirada Wariyayaasha lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktobar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here