MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa sii kordhaya dhacdooyinka naxdinta iyo tiiraanyada leh ee Muqdisho caadi ka sii noqonaya sanadkaan 2024-ka bilowgiisa.

Xalay Degmada Kaaraan waxaa lagu dilay Toorey Aabe magaciisa lagu sheegay Ibraahim Wad-dooli.

Advertisement

Allaha u naxariistee waxaa dilay oo isugu tagay sida wararka aan ku helnay Xaaskiisii iyo laba wiil ay niman kale u soo dhashay kadib markii waalidiintu isku dhaceen.

Dadka dariska ah waxay sheegeen in labada wiil uu soo koriyay aabaha ay gacantooda ku dileen.

“Tan haduu ka kaco magaceyga Kamaal halaga badalo”ayuu yiri Labada wiil mid ka mida oo lagu magacaabo Kamaal markii uu toorey ku dhuftay adeerkiisa sida ay sheegeen dadka  derisku

Dhanka kale wiilasha dilka gaystay waxaa la sheegay inay baxsad yihiin balse hay’adaha amaanka ayaa la rajeynayaa  inay soo qabtaan si sharciga loo marsiiyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada oo goor dhaw shaacisay qiimaha sanadkaan lagu soo xajin doono
Next articleMid ka mida ciyaartoydii Galmudug koobka kula guuleystay oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here