Isbitaalka Taqasusiga ah ee Guuleed oo ka mid ah Isbitaalada ugu waaweyn Somalia xarumo kala duwana ku leh Magaalada Muqdisho ayaa soo kordhiyay adeegyo Caafimaad oo markii hore dibeda loo aadi jiray iyo qeybo cusub.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Guled Specialist Hospital Prof.Dr Ahmed Yusuf Guled ayaa sheegay in labo qeybood oo muhiim ah lagu soo kordhiyey Isbitaalka ka dib dedaal muddo dheer socday oo ay sameeyeen si ay bulshada uga haqabtiraan adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka oo sidoo kale looga yimaado gobolada dalka iyo dalalka deriska qaarkood.

Advertisement

Prof.Dr Ahmed Yusuf Guled ayaa xusay in qeybaha lagu soo kordhiyey Isbitaalka ay kala yihiin Qeybta daryeelka caafimaadka wadnaha (Heart Center) iyo Qeybta gargaarka degdega ah (ICU) oo baahi weyn loo qabay.

“Waa qeybo cusub oo hadda gacanta laga qaaday ka dib dedaal dheer oo Maamulku Isbitaalku u galay hirgelintooda, anagoo ka jawaabeyna baahida bukaanada, waxaana rajeynaynaa iney aad u anfici doonaan shacabka Soomaaliyeed oo aan filayo iney ka faa’iideysan doonaan” ayuu yiri Prof.Dr Ahmed Yusuf Guled oo intaas ku daray in Isbitaalku uu mar walba diyaar u yahay sidii uu u horumarin lahaa adeegyada uu bixiyo.

Prof.Dr Guled oo sidoo kale ka mid ah dhaqaatiirta ka Hawalgasha Isbitaalka ayaa dhinaca kale ka warbixiyey adeegyada Isbitaalka iyo Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay bulshada ugu tala galeen.

Agaasimaha ayaa xusay in bisha Ramadaan awgeed ay bukaanada soo booqanaya Isbitaalka ay todobaadka ugu horeeya si bilaash ah kula kulmi karaan dhammaan dhaqaatiirta leh taqasusyada kala duwan ee ka howlgala Isbitaalka sida, sida kuwa qaabilsan cudurada iyo daweynta Saableyda (Pulmonology), Wadnaha (Cardiology), haweenka (Obstetric & Gynecology), Cudurada Guud (General Medicine), Uurku jirta (Internal Medicine), iyo Maqaarka (Skin Diseases), isagoo intaas ku daray in todobaadka xiga ee bisha Ramadaan ay shacabka Soomaliyeed lacag la’aan kula kulmi karaan dhaqtarka cudurada Wadnaha.

Prof.Dr Guled ayaa xusay in isbitaalka dhowaan lagu soo kordhiyey qalabka (CT-Scan) lagu baaro qeybaha jirka iyo (Cardiac Catheterization Lab) oo ah qalabka loogu talo galay in lagu furo xididada xirmay ee Wadnaha oo casri ah kaasoo dalka laga heli karo meelo kooban oo uu ku jiro Isbitaalka Guled, isagoo tilmaamay in isbitaalka uu bixiyo adeegyo Caafimaad oo tayo sare leh, lana heer ah Standard-ka caalamiga ah ee ka jira dalalka horumaray ee dunida.

Isbitaalka taqasusiga ah ee Guuleed waxaa uu shaqeeyaa 24-ka saac si loogu adeego bulshada, waxaa uu leeyahay qeybo ay ka mid yihiin Bukaan eegto, bukaan jiif, gargaarka deg dega ah, qeybta qaliinka, Dentiste, Raajo, Sheybaar casri ah, dhalmada oo 24 saac ah ah, farmashiye iyo qeybo kale oo muhiim ah.

Isbitaalka Guled oo labo xarumood ku leh degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa aasaasay muddo haatan laga joogo 21 sano Prof. Dr Axmed Yusuf Guled oo ah dhaqtar ku taqasusay daweynta guud iyo cudurada neef mareenka iyo sambabada (Consultant Internal Medicine & Pulmonology) waxaana uu ka mid ahaa dhaqaatiirtii ka soo baxay Jaamacaddii hore ee Ummada, isagoo taqasusyo kala duwana ku soo qaatay Jaamacado iyo Machadyo ku yaalla dalal ka tirsan Yurub.

Previous articleWararkii ugu danbeeyay Xaalada Gaza
Next articleXamze Cabdi-Barre oo xalay booqday isbitaalka Digfeer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here