Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ku qaaday hotel SYL.

Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Advertisement

Previous articleAdeegyo & Qaliimo dibeda loo aadi jiray oo lagu soo kordhiyey Guled Hospital (Sawirro)
Next articleShacabka Xamar kuma qancayaan ilaa Dowladu cadeyso, soona xirto cidii fududeysay weerarkii SYL Hotel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here