Bulshada Soomaaliyeed ayaa wali dhagta waxay u taagayaan talaabo u qalanta in Dowladu qaado marka la eego cidii ka danbeysay weerarkii habeen hore lagu qaaday SYL Hotel ee sababay dhimashada,dhaawaca iyo burburka hantiyeed.

Wararka horu dhaca ah ee sheegaya in la xirey qaar ka mida ciidamada ilaalada jag-boyntiyada  laga soo galo madaxtooyada ma aha wax shacabka soomaaliyeed aqbali karaan.

Advertisement

Sida wax u dhaceen marka la eego qiyaasta muuqata in dad masuuliyiin ah fududeeyeen ma aha wax shacabku ku qanci karaan in ciidan kaliya loo soo xiro madaama ay ku dhaqeeyaam amarka taliyayaashooda, sidoo kale taliyayaasha xitaa amarka madaxda sare ayay ku shaqeeyaan.

Shacabka Muqdihso oo marqaati ka ah gaari qarax wada iyo gaari caadiya iska daaye xitaa ineysan halkaasi tagi karin qof lugeynaya oo aan la ogeyn wuxuu yahay ayaa taasi keeneysaa shakiga ah in taliye sare ama masuul inuu ka danbeeyo dhacadadaasi niyad jabka ku ah shacabka Soomaaliyeed.

HADABA MAXAY SHACABKU KU QANCI KARAAN.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho waxay ku qanci karaan kaliya waa in kiiskaan ugu horeyn eedeysanayaal ay ka noqdaan taliyayaasha NISA,Booliiska iyo kuwa madaxtooyada .

Waxa  kale ee shacabku ku qanci karaan waa in talaabo degdeg ah dowladu qaado oo masuuliyada cida leh ay soo xirto sida taliye sare ama Xildhibaan ama Wasiir.

WAXAA QOREY 

WARIYE SUUD-MA QAATE

Previous articleXamze Cabdi-Barre oo xalay booqday isbitaalka Digfeer
Next articleDowlada Somalia oo ka qeybgashay doorashada midowga Afrika ee sanadka danbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here