MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Af-hayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle sare Qaasim Axmed Rooble ayaa shir jaraa’id uu goor dhaw qabtay wuxuu kaga hadlay weerarkii Alshabaab ku qaadeenb SYL Hotel.

Af-hayeenka wuxuu sheegay in xaalada sideedii lagu soo celiyay islamarkaana dhamaan alsahabaabkii soo  weeraray la laayay.

Advertisement

“Meydadka 5-tii khawaarijta ahaa bananka ayaa a soo dhigay, xaalada Hoteelkana sideedii ayaa lagu soo celiyay”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Tirada dadka dhaawacmay ayuu ku sheegay 9 askari iyo 18 shacab ah,sidoo kale wuxu xusay dhimashadu inay tahay sedex askari.

Mar wariyayaashu wax ka weydiiyeen in xildhibaano wax ku gaareen weerarka wuxuu cadeeyay in sedex xildhibaan dhaawacyo fudud ay qabaan.

Sidoo kale wuxuu qirey inuu dhaawacmay Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Farxaan Jimcaale.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDEG DEG: Howlgalkii Hotel SYL oo goor dhaw la soo afjaray
Next articleKhasaaraha ka dhashay Alshabaab wadada loo galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here