Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saakay ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane gaar ahaan Xaruntii Dhul-bixinta oo ay degen yihiin Ciidamo katirsan Booliiska sida militariga u tababaran ee amniga Magaalada Muqdisho horay loogu dhiibay.

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan oo firirkiisa gaaray xaafado ka fog goobta uu Gaariga ku qarxay waxaana la maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamada Dowladda Federaalka kaddib waxaa is baddelay jawiga goobta.

Advertisement

Ugu yaraan hal ruux ayaa geeriyooday halka ay dhaawacmeen labo kale, ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in qaraxaas loo adeegsaday Gaari nooca loo yaqaan Toyota Land Cruiser oo dadka qaar ay u garanayaan (Layla Calaawi) inkasta oo aanay weli ka hadlin Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka.

Waxaa joogsaday isu socodka Gaadiidka waddada xiriirisa Isgoyska Ifka Xalane iyo Cali Kamiin oo daqiiqado kahor qaraxa inta uusan dhicin ay isaga kala gudbayeen Gawaarida waxaana goobta tagay saraakiil katirsan Dowladda Federaalka.

Previous articleDEGDEG:- Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho .
Next articleDrs. Sucaad “Maskaxda qofka qaadka cuna way ka duwan tahay maskaxda qofka aan cunin” [WAREYSI]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here