XARAR-DHEERE (DAYNIILE.COM)-kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen dagaalamayaal Alshbaaab ka tirsan ayaa la soo sheegayaa in lagu laayay duleedka deegaanka Jowle ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay inay mid ka mida gaadiidkii Alshbaaabku saarnaayeen ciidamada Galmudug la heleen baasuukayaal.

Advertisement

“Qiyaastii 70 waan ka dilnay waxay meyadkoodu daadsan yihiin halka lagu weeraray”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Xarar dheere.

Gudoomiyaha oo la weydiiyay in kuwa la dilay ay ku jiraan saraakiil,wuxuuna  tilmaay inay inuuba ka mid yahay madaxii ciidamada Alshabaab u yaqaanaan jabhadaha.

“Maydadka horjoogayaal iyo maleeshiyo Khawaarij ah oo aan wadada u galnay ayaa daadsan duleedka deegaanka Jowle ee Gobolka Mudug,”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Xarardheere.

Sidoo kale dhaawacyada Alshabaab soo gaaray ayaa wax laga weydiiyay wuxuna xusay inay boqol dhan yihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAf-hayeenka Booliiska oo ka hadlay weerarka SYL Hotel
Next articleMeydka Odey xarig lagu dilay oo loo soo xirey xaaskiisa oo Itoobiyaan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here