MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Af-hayeenka Booliiska Soomaaliya Khaasim Axmed Rooble ayaa ka hadlay dabka ka kacay suuqa bakaaraha iyo hoobiyayaal xalay saq dhexe alshabaab ku dhufteen Muqdisho

Afhayeenka wuxuu sheegay in ihowlgal arintàasi daba socota ay fuliyeen ku soo qabteen gantaalada loo adeegsado hoobiyayaasha.

Advertisement

“Waxaan gacanta ku soo dhignay 120 xabo oo hoobiyayaal ah kuwaasoo lala rabay in shacabka Muqdisho lagu dhibaateeyo”ayuu yiri Afhayeenka Booliisna Qaasin Axmed Rooble.

Mar uu ka hadlaayay dabkii saaka ka kacay suuqa bakaaraha ayuu sheegay inay ka danbeeyaan alshabaab isla markaana uu hal ruux ku geeriyooday.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleNinkii Hooyadiis Kismaayo ku dilay oo maanta lagu fuliyay xukun dil ah
Next articleNabadoon Abaabul “Ra’iisulwasaaraha wax buu kala socdaa lacagta la saaray shacabka dhoofaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here