Gaza (dayniiile.com)-Afhayeenka Dagaalyahanada Xamaas ayaa saxaafada u sheegay war dhan kasta u fasirmi kara kaasoo siduu u dheegayna farxad gelinaya yuhuuda.

Af-hayeenka ayaa ka dhawaajiyay inuu go’ay xiririkii ay la lahaayeen ciidamada Xamaas ee qaabilsanaa ilaalinta dadkii maxaabiista ee bishii Oktobar ay ka soo qafaasheen dhanka Isra’iil kuwaasoo ay doonayeen inay ku soo furtaan dadkooda laga heysto.

Advertisement

Af-hyeenka ayaa intaasi ku daray ineysan hada waxba kala socon halka dadkaasi lagu hayo iyo waliba waxa sababay arintaasi ah inuu lumo isku xirkii dhanka isgaarsiinta ee Xamas ka dhexeeyay.

Dadka u dhuun duleela dagaalada Gaza ayaa qaabab kala duwan u fasiran kara iyadoo ay  macquul tahay fasirka ah in Yuhuudu ka danbeyso ayna ka dhigan tahay inuu socdo howlgal Yuhuudu dadkooda xoog kaga furanayaan Xamaas.

Sidoo kale waxaa taas ka badan kana xoog badan fasir ah in Xamaas qorshe ka leedahay hadalkaan si jahwareer ay u abuuraan madaama dhawan mareykanka iyo Yahuudu  aqbaleen inay  wada hadal ka galaan dadka la kala heysto.

Si kastaba xaqiiqada ayaa la ogaan doonaa saacadaha soo socda markaasoo warkaani dhan u dhici doono Insha Allah.

Warkaan ayaa ku soo aadaya xili Xamaas lafteeda la hadal hayo inay macquul tahay in la haystayaasha qaar u geysay isbitaalka Alshifa si loogu daweeyo halka Yuhuuduna wali ku dhagan yihiin isbitaalkaasi iyagoo amray in dhamaan dadka ku jira isbitaalka ay ka baxaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Ereteria oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka gudoomay Safiirka Soomaaliya
Next articleWadadii Tareenada Kenya oo go’ay roobabka dartood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here