Nairobi (dayniiile.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya saameynta roobabka El-nino uu ku yeelanayo qaar ka mida dalalka geeska Afrika gaar ahaan Dalka Kenya oo aan deris nahay.

Wararka Kenya laga helayo ayaa sheegaya in wadadii tareenada inay go’aday kaasoo isku xiri jirey Mombasa ilaa Nairobi sidoo kalana loogu adeegi jirey dalalka Kenya dariska la ah.

Advertisement

Dowlada Kenya ayaa si kumeel gaar ah waxay u hakisay isku socodkii dhanka tareenada ee Mombasa iyo Nairobi sababo la xiriirta dhibaatada ku timid wadooyinkii tareenadu ku socon lahaayeen.

Sidoo kale burburka wadadaan ku yimid wuxuu saameyn ku yeeshay xiriirkii ganacsi ee ka dhaxeeyay Dalka Kenya iyo Dalalka Ruwanda Ugaandha iyo Suudaanta Koonfureed kuwaasoo wadadaani loo marsiin jirey adeegyo ganacsi.

Dhanka kale Sida BBc-du sheegtay dhanka khasaaraha nafeed dhimashada dadka keenyaanka ah ayaa ilaa hada maraya 46 ruux kuwaasoo geeriyooday tan iyo markii uu bilwoday roobabka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleAf-hayeenka Xamaas oo baahiyay war lala yaabay fasirkiisa.
Next articleXeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Jubaland oo la magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here