Asmara (dayniiile.com)-Cumar Idiris oo Dowlada  Soomaaliya u magacowday Safiirka Dalka Ereteria ayaa gaaray  Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Ereteria.

Madaxweynaha Dalkaasi Isaias Afwerki ayaa Jimcihii shalay waraaqaha aqoosnsiga wuxuu kala wareegay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Dalkaasi Mr Cumar Idiris.

Advertisement

Safiirka ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter ayuu ku sheegay inuu yahay taariikhda safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Erirea.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris.

Talaabadaan Dowlada Somali qaaday ayaa ku soo aadeysa xili cilaqaaadka labada dal uu soo hagaagayay sanadahaan danbe iyadoo ciidamada ugu badan ee Dowlada Soomaaliya lagu soo tababaray Dalka Ereteria.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here