Guri-ceel (dayniiile.com)-Fagaare ku yaal Magaalada Guri-ceel waxaa Saaka lagu toogtay gacan ku dhiigle Cabdisalaan Cali Axmed  kaasoo maalmo ka hor guriceel ku dilay wiil la dhashay Taliyaha Booliiska Guri-ceel.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunkaan saaka fulisay markii dhawaan ay dil toogasho ah ku xukuntay waxaana saaka goob joog ahaa masuuliyiin kala duwan.

Advertisement

Ninkaan Dilka Qisaasta ah lagu fuliyay wuxuu ahaa askari ka tirsan Nabad sugida, wuxuna maalmo ka hor gacantiisa ku dilay sida lagu helay allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey oo ahaa walaalka taliyaha gurceel  Cismaan  Cali Hudey.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa inta badan waxay xukun adag ku qaadaa kuna fulisaa ciidamada Dowlada Soomaaliya ee dhexdooda is dilaya taasoo aad u yareysay dilalka ka dhex dhaca ciidamada iyo kan shacabka ay u geystaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsraa’iil oo Saaka duqeyn kula kalahday shacbiga Gaza
Next articleMadaxweynaha Ereteria oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka gudoomay Safiirka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here