Gaza (dayniiile.com)-Saaka oo Axada waabarigii hore ayaa la soo sheegayaa in diyaaradaha Dagaalka  Isra’iil Duqeymo kula kalaheen shacbka ku dhaqan Magaalada Gaza ee dhulka muslimiinta reer Falstiin.

Wakaaladda Wararka Falastiin ee Wafa ayaa laga soo xigtay in duqeymaha saaka durba ay ku dhinteen 15 ruux oo Falastiiniyiin ah kuwaasoo 13 ka mida hal goob lagu dilay halka  labada kale oo qoys ahaa iyana goob kale lagu dilay.

Advertisement

Wakaalada wararka Falastiin oo ayaa xustay in 13-ka ruux lagu dilay guri ku yaalla xerada Nuseyraat ee ku taalla bartamaha marinka Qaza.

Sidoo kale Labada ruux kale ayaa kala ahaa Hooyo iyo cunug ay dhashay kuwaasoo iyagana duqeymuhu ku dileen magaalada Khan Yunis ee koonfurta Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleNin xaaskiisa ka gubay xubnihii taranka oo la qabtay iyo waxa ku dhici doona
Next articleXukun dil ah oo Saaka lagu fuliyay Askarigii Guriceel dilka ka gaystayl

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here