=XIGASHO BBC SOMALI=

Dhibanaha iyo qoyskab si badbaadadada shaqsiga iyo tan bulsho loo ilaaliyo BBC-du waxay qarisay magaceeda iyo kan ninkeeda, iyo sidoo kale halka ay ku nooshahay.

Advertisement

Waxay ka dhacday arrintani deegaan ku yaalla galbeedka magaalada Harare ee dalka Itoobiya, iyada oo xabsi daa’in lagu xukumay ninkaan oo la shegay inuu xaaskiisa ka gubay xubnaha taranka ka dib markii ay isku dhaceen.

Eedeysanahu wuxuu geystay fal arxan darro ah isagoo gubay xubnaha taranka ee xaaskiisa oo ah hooyo u dhashay labadiisa carruur ah,” ayuu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska degmadaas, Sareeye Guuto Axmed Sufiyaan.

Falkan ayaa dhacay sannadkii hore, ayaa sababta uu u weeraray waxay la sheegay inay ahayd in ninkaan iyo xaaskiisa ay murmeen markii kadib markii ay ku tiri “faraha iga qaad, ma doonayo inaan seexdo” sida lagu sheegay warbixinta booliska

DHACDO ARGAGAX LEH

Taasi waxay kaliftay in eedeysanuhu dab qabad siiyo xubinta taranka ee xaaskiisa bowdadeeda iyo dhabarka, waxaana dabku jirkeeda gaarsiiyey dhaawac daran sida sida ay sheegeen booliiska baadhista ee kiiskan gacanta ku haya.

“Deegaanka miyiga ee dhacdadan ka dhacay waxaa caado ka ah in guriga lagu shido geedo uduga leh ee dabka lagu shido,markii khilaafku yimi,eedeysanuhu waxaa uu adeegaday dabkii oo gubay qaybo kala duwan oo jirka xaaskiisa ah” ayuu yiri Sarreeue Ahmed.

Saacado ka dib markii ninkan oo da’diisa lagu sheegay 21 jir kaas oo dhaawaca gaarsiiyey xaaskiisa waxa

Saacado yar kadib markii uu falkaasi geystay ninkan oo 21 sano jir ah waxaa loo taxaabay xabsiga,ciidamada Booliska deegaanka oo baaris ku sameeyey ka idbna axaa kiiskisa loo gudbiyay maxkamada deegaanka.

Maxkamadda ayaa eedaysanaha ku heshay cadaymo muujinaya inuu galay fal bini’aadanimada ka dhana waxaa sanadkan lagu xukumay xabsi lix bilood ah.

Garsooraha ayaa BBC-da u sheegay in falkan uu ku kacay ninkan uu halis jidheed iyo dhaawac halis u gaystay xaaskiisa kaas oo ku xad gudbay qimayka bulshada.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in haweeneyda ku dhaawacantay weerarka uu ninkeeda u geystay ay heshay kaalmo caafimaad iyo kormeer bilihii lasoo dhaafay, haatanna ay ka muuqato xaaladeeda soo kabasho caafimaad.Haweenka Itoobiya

Tacadiga haweenaka ee Itoobiya

Itoobiya oo ah waddan ay ku nool yihiin dad danyar ah oo fara badan ayaa waxaa la sheegaa in haweenku ay la kulmaan tacadiyo balaaran oo ay u geystaan ragooda iyo kuwa aysan u dhixin intaba.

Sida ay sheegtay hay’adda qiimeynta ee Itoobiya in hweenka xaasaska ah intooda badan ay la kulmaan dhibaato jireed iyo mid galmo intaba ugu yaraan halmar inta ay nool yihiin. Haweenka u dhaxeeya da’aada 15 ilaa 49 ayay dhibta ugu badan ku dhacdaa ayaa lagu yiri warbixintaan.

Dhanka kale haween badan ayaa la kulma gudaha itoobiya caafimaad darrooyin soo wajaha xubahooda taranka, taas oo ay saameysa waqtiyada ay dhalaan.

Kuwa badan oo ku sugan dhulalka ka foga magaalooyinka ayaan inta badan helin gargaarka ay u baahan yihiin marka ay soo wajahaan xaaladaha qaar.

Itoobiya sanadahaan ku jirtay xaalad dagaal ayaa warbixinada qaar ee ay daabaceen warbaahinta iyo machadyada cilbiraayashu waxay sheegayaan in haween badan ay tacadi la kulmeen inta uu dagaalku soday.

Kufsi iyo dil ayaa la sheegay in la isugu daray haweenka qaar inta ay dagaaladu socdeen.

Dawladda ayaa marar badan sheegta inay wax ka qabaneyso tacadiyada ka dhanka ah haweenka dalkeeda.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleLaba kenyaan ah oo loo soo xirey inay shacab lacago uga dhaceen ka mid ahaanshaha waaxda socdaalka
Next articleIsraa’iil oo Saaka duqeyn kula kalahday shacbiga Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here