Nairobi (dayniiile.com)-Ciidamada Booliiska Kenya ayaa xabsiga dhigay Laba nin oo kenyaan ah kuwaasoo shacabka lacago uga dhaceen ka mid ahaanshaha waaxda socdaalka ee xarunta Nyayo House.

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa ogaaday burcad-nimada labadaan nin ee ah inay shaatiga Waaxda socdaalka dadka lacago uga qaataan iyagoo u sheegaya inay u fududeyn karaan sameynta  baasaboorada iyo dukumaniyada kale.

Advertisement

Gudiga ayaa ku eedeeyay  labadan nin inqy isku dayeen muwaadin u dhashay dalka Norway ka khiyaamaan 370,000 shilinka Kenya oo ay ka dalbadeen.

Ninkaan ajnabiga ah ayaa halkuu ka bixin lahaa lacagta laga dalbaday wuxuu ku wargeliyay Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC taasoo keentay markiiba in labada nin la soo xiro.

Eedeysanayaasha waxaa lagu wadaa in asbuucaan la horkeeno Maxkamadda la dagaalanka musuqmaasuqa.

Dhanaka kale Gudiga EACC ayaa baaritaano ku wada eedeymaha la xiriira in qaar ka mid ah saraakiisha socdaalka ee xarunta Nyayo House ay la shaqeynayaan dalaaliin si ay u soo saaraan dokumeentiyo sida ay sheegtay idaacada StarFm.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMuxuu yahay heshiska ay ansixiyeen Maamulka G/banaadir ee lala galay Dalka Turkey +Sawirro
Next articleNin xaaskiisa ka gubay xubnihii taranka oo la qabtay iyo waxa ku dhici doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here