Muxuu yahay heshiska ay ansixiyeen Maamulka G/banaadir ee lala galay Dalka Turkey

Muqdisho, 18 November 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ah ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay Ansixinta heshiiska lagu wado in ay kala saxiixdaan Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Sakarya ee dalka Turkiya.

Advertisement

Shirka ayaa lagu soo bandhigay Nuqulka Qorshayaasha aas-aaska u noqonaya Mataanaynta Muqdisho iyo Sakarya kaasi oo ay horey u ansixiyeen Golaha deegaanka Magaalada Sakarya, iyadoona aqrin kadib ay Guddoonka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir ay Ansixiyeen.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Duq Magaalada Sakarya Ekrem Yüce, ayaa lagu wadaa in ay dhawaan kala saxiixdaan heshiiska mataanayn ee labada Magaalo kaasi oo ku dhisnaan doonna iskaashi ku dhisan wax wada qabsi oo labada dhinac dhex mara.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

Previous articleMr. YABOOH oo Maanta furey Wadooyin dhagaxyo ku xirnaayeen+SAWIRRO
Next articleLaba kenyaan ah oo loo soo xirey inay shacab lacago uga dhaceen ka mid ahaanshaha waaxda socdaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here