Muqdisho, 18 November 2023: Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer shaqo ku tagay qeybo ka mid ah xaafadaha Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho kadib cabasho ka timid Bulshada Deegaanka oo la xariira xernaashiyo wadooyin muhiim u ah isku socodka Degmadaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka jawaabaya Cabashada Bulshada, isla markaana fulinaya awaamiirta Madaxda sare ee dalka ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyinkaasi maadaama aysan hada jirin sabab ay u xernaadaan, isla markaana xaaladihii Amni ee markii hore loo xeray hada laga soo gudbay oo Amniga Caasimadda yahay mid soo hagaagay.

Advertisement

Bulshada Degmada Wadajir ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka Degmada iyo Laamaha Amniga, si loogu hortago dhagaraha iyo wax weliba oo liddi ku ah Amniga. Waxaana kormeerkaan qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada G/Banaadir iyo Kusimaha Gudomiyaha Degmada Wadajir.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

Previous articleWasiir Beene Beene “Soomaaliya waxa ay ku biiri doontaa bishaan ururka bulshada bariga Afrika”.
Next articleMuxuu yahay heshiska ay ansixiyeen Maamulka G/banaadir ee lala galay Dalka Turkey +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here