Qiyaas, Xabsiga dhexe ee Jowhar ayaa waxaa ka banaaneyd Jago ah Taliye Xabsi, waxaa loo xilsaaray Guddi ka kooban 5 Qof oo Saddax ay aheyd Qurba joog. saraakiil hore oo badan ayaa soo codsatay. Imtixaankii ugu dambeeyay waxaa u soo gudbay Isbatoore Cadow.
Waxaa Isbatoore Cadow lagu yiri: Hambalyo, waxaa kuu dhiman Hal imtixaan oo ah Kii Luqadda Ingriiska.

Cadoow oo yaaban ayaa yiri: Maxaabiista miyaa London laga keenaa.

Advertisement

Horta Jago kasta oo Qaranka ka banaan maxaa Af ingriiska loogu shardiyaa?

Haddii aad Xasuusato hore waxaan idiinkugu soo qoray, Jago UN ka banaaneyd Qof Somaliya oo Baydhabo ka shaqeynaa oo UN ay Shardi ka dhigtay in uu Afka Sawaaxiliga uu yaqaan iyo Mid Baladweyn ka banaaneed oo UN shardi ay ka dhigtay in uu Afka Amxaariga Yaqaan. Waxaana idiinkugu soo lifaaqay Cadeeyntii, warqadii “UN Vacant post” ee shuruuddu ku qorneyd.

Yaabaye, Horta Baydhabo iyo Baladweyn ma Sawaaxili iyo Amxaariyaa looga hadlaa, mise dulmi aanan ogeyn ayaa jiro.

 

Maxaa Afka Somaligu u moqday waxa shaqada lagu waayo.

Qore:Yahya Amir

Previous articleHowlgal qorsheynaa oo lagu soo qabtay sarkaal Alshabaab ka tirsanaa
Next articleMaamulka Puntland oo xukumay koox Alshabaab-nimo ku eedeysnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here