GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maxkamada ciidamada ee Maamulka Puntland ayaa maanta xukun ku riday koox Alshabaab-nimo ku eedeysan.

Xubnaha Alshbaaab ee la xukumay oo tiradoodu tahay 6 ruux ayaa afar ka mida oo rag ahaa  lagu xukumay 10 sano oo xarig ciidan ah halka labada kale oo dumar ahna lagu xukumay min 5 sano oo xarig ciidan ah.

Advertisement

Magacyada afarta raga ah ee xukunku ku dhacay ayaa lagu kala sheegay:-

1-C/risaaq Maxamed Shirre

2-Saciid Faarax C/qaadir

3-Farxaan Weyrax

4-C/qani Cali Faarax

Sidoo kale labada dumarka ah ee iyagana shanta sano lagu xukumay ayaa kala ah:-

1-Raxmo weydow Cabdi

2-Shamso Cali Isxaaq.

Guud ahaan waxaa lagu helay kooxdaan sida Maxkamadu sheegtay inay la shaqeeyaan kooxda Alshbaaab dhanka qaraxyada.

Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inay qaraxyada u kala gudbin jireen,maxkamadu waxay xustay inay danbigooda qiraal ka yihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleAf Somali Maya.
Next articleKenyan Airways oo dib uga howl gashay Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here