MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa shalay Muqdisho ka howl gashay Diyaarada Kenyan Airways ee laga leeyahay Dalka Kenya.

Diyaaraddaan oo siday kaargow ayaa jimcihii soo gaartay Magaalada Muqdisho iyadoo Cargow  ka keentay dhanka Dalka Carbeed ee Imaaraadka.

Advertisement

Waxaa jirta baahi badan oo loo qabay dhanka Caargowga marka la eego ganacsiga nooga yimaada Carabta taasol hada u muuqata in shirkadaani dabooli karto.

Wararka ku dhaw dhaw shirkadaan ayaa sheegaya inay asbuuc kasta mar iman doonto ,iyadoo bisha Apriil-na lagu wado in la gaarsiin doono asbuucii laba jeer.

Agaasimaha xamuulka ee Shirkadaan KQ Dick Murianki ayaa muujiyay mar uu ka hadlaayay arinta sida uu ugu faraxsan yahay shaqada ay Somalia ka bilaabeen

Baahida ugu weyn ee reer Muqdisho u qabaan  ayaa ah alaabaha Elekroonikada ee degdega loogu baahdo, sida qalabka korontada iyo  baabuurta.

Dhanka kale diyaaradaani Cargow kaliya uma imaaneyso Somalia balse waxay sameyn doontaa  duulimaadka rakaabka ee Nayroobi iyo Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleMaamulka Puntland oo xukumay koox Alshabaab-nimo ku eedeysnaa
Next articleBaarlamaanka oo maanta ansixiyay heshiiskii ku biirista Somalia ee Ururka Bariga Africa +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here