Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Salaad ayaa war qoraal ah uu soo saaray wuxuu aad ugu amaanay Ra’iisukwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre iyo Golihiisa Wasiirada sida ay manta u ansixiyeen xeerka nidaamiyada Hay’ada Sirdoonka Qaranka.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Mahad Salaad ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo maanta (9/11/2023) meel-mariyey XEER-NIDAAMIYAH
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran, kadib markii uu soo maray dhammaan habraaca diyaarinta Xeer-nidaamiyayaasha.
Xeer-nidaamiyahan, oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u leh socodsiinta iyo horumarinta howlaha HSNQ; wuxuu ka jawaabayaa baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangelinta qodobada sharciga HSNQ, wuxuuna Xeerkani, faahfaahinayaa isla markaana xeerinayaa arrimo lama huraan u ah shaqada HSNQ.
Dhanka kale, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee kaalinta ku lahaa fududaynta iyo meelmarinta arrimaha Xeerkan la xiriira.
