Golaha Wasiiradda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin u magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu beddelay Odowaa Yuusuf Raage oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka.

Advertisement

Xilli hore ayaa la filayay in la beddeli doono Taliye Odowaa, kaas oo qeyb ka ahaa saraakiil ku eedeysna weerar lagu qaaday hoteel ay deganayeen madaxweynayaal hore xilligiii lagu jiray ololihii doorashada.

Laakiin kacdoonkii lama filaanka ahaa ee ka curtay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo ay ciidanka xoogga ku biireen ayaa la aaminsan yahay inay dib u dhigtay go’aankii madaxweynaha ee isbeddelka.

Dhawaan ayaa faafinay afar qodob oo sabab ka dhigaya in la beddelo Taliye Odowaa, balse warbixintaan waxaa ku eegayna caqabadaha iyo shaqooyinka horyaalla Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo u baahan inuu deg deg wax uga qabto.

1. Middeynta saraakiisha sar-sare iyo kuwa dhexe ee ciidanka xoogga

Doorashadii Soomaaliya ka dhacday iyo muddo kororsigii madaxweynihii hore waxay abuurtay kala qeybsanaan xooggan oo ku timid ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha la beddelay Odowaa Yuusuf Raage oo isagu dhinac la safnaa kuma guuleysan inuu dib u mideeyo saraakiisha qeybaha ciidanka, waxaana loo arkayay kala qeybsanaantaas mid kamid ah sababaha xoojiyay khasaaraha waayihii dambe soo gaaray ciidanka xoogga dalka.

2. Soomaaliyeen

Ciidanka xoogga weli waa qabiileysan yihiin, baabuurta ayaa qaar u kala suntan oo magacyo qabiilo loogu yeera. Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxay ciidanka xoogga ku lug yeesheen isku-dhacyo u muuqday kuwa qabiileysan.

Dhowrkii taliye ee isaga dambeysay hoggaanka ciidanka xoogga dalka midna kuma guuleysan inuu abuuro ciidan wadaniyiin ah oo Soomaalinimada ay kala weyn tahay qabiilnimada oo u mideysan waxyaabaha danta guud.

Inkasta oo ay arrintaan mararka qaar siyaasadda saameyn ku leedahay, haddana Taliyaha cusub Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddoow waxaa laga rabaa inuu isagu la yimaado hal abuur gaar ah oo fikirka iyo shaqada ciidanka Soomaaliyeenaya, sidoo kalena ciqaab adag kaga jawaabaya askarta muujisa ficilada qabyaalada.

3. Dagaalka kooxda Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka waxay wax badan la dagaalamayeen kooxda Al-Shabaab, laakiin horumarka la sameeyay marka ay qabaa’ilku kaceen weligeed lagama sameyn la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Qabiiladu kama hub iyo xeelad badna ciidanka xoogga dalka, balse sababta waxaa loo arkaa inay mab’da dagaalka la xiriirto. Taliyaha cusub waxaa hortaalla inuu tamar cusub kusoo kordhiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, uuna kiciyo damiirka iyo mab’da ciidanka si natiijo wax ku ool ah looga gaaro wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

4. Baarista dhacdooyinkii u dambeeyay

Ugu yaraan shantii weerar ee ugu dambeysay oo ay Al-Shabaab kusoo qaaday ciidanka xoogga dalka waxaa ka dhashay khasaare xoog leh, gaadiid badan ayaa looga furtay dowladda.

Taliyihii la beddelay Odowaa Yuusuf Raage lama wadaagin umadda Soomaaliyeed sida ay wax u dhaceen iyo sababta fashilka, sidaas awgeed taliyaha cusub waxaa laga rabaa warbixin sax ah oo ku saabsan dhacdooyinkaas iyo cidda sameysa dayaca oo ay tahay in lagula xisaabto

Previous articleMADAXWEYNE DENI OO CAAWA KULAN AFUR AH KU CASUMAY BAARLAMANKA PUNTLAND
Next articleXildhibaan Jacfar oo siweyn.loogu soo dhaweeyey Dalka Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here