Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa caawa kulan afur ah ku ballamiyay xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Farriin qoraaleed kooban oo loo diray xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in habeen danbe madaxweyne Deni uu ku casumay kulan afur ah.

Advertisement

Baarlamanka Puntland ayaa dhawaan u codeeyay qorshaha furista dastuurka oo ay si weyn ugu muransan yihiin xukuumadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Tallaabada ay qaadeen ayaana sababtay in dagaal khasaare geystay ka dhaco caasimadda Garoowe kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo taabacsan mucaaradka.

Senetarrada laga soo doorto Puntland qaarkood iyo siyaasiyiin kale ayaa xildhibaannada golaha wakiilada Puntland ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi dhacday.

Xiisadda la xiriirta furista dastuurka iyo doorashada 2024 ayaa sidoo kale weli ka taagan Garoowe inkastoo ay socdaan dadaallo lagu dejinayo arrintaas.

Isimada dhaqanka Puntland oo raadinaya in xal nabadeed lagu dhammeeyo xiisadda ayaa dhinaca kale lagu wadaa in ay dhawaan soo gaaraan Garoowe.

Previous articleShariif Sheekh Axmed “Dagaallada Sokeeya iyo dhiigga daadanaya waxaa aasaas u ah dulmi iyo caddaalad darrada dhaxdeena ka jira.”
Next articleArrimo waaweyn oo xasaasi ah ayaa horyaalla taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here