Siddeed askari oo ka tirsan ciidamada booliska Kenya ayaa lagu dilay gaari ay wateen oo lagu burburiyay walxaha qarxa, kadib weerar looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, sida ay booliisku sheegeen.

Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Gaarisa ee gobolka Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan gobolka ku yaalla xadka Soomaaliya, halkaas oo ay Al-Shabaab ka geystaan inta badan weeraro ka dhan ah Ciidamada Kenya.

Advertisement

“Waxaan weerarkan ku waynay sideed askari oo booliis ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari John Otieno. “Waxaan kaga shakisannahay Al-Shabaab oo hadda beegsata ciidamada ammaanka iyo gaadiidka rakaabka.”

Weerarkan ayaa yimid maalmo un kadib markii Itoobiya ay sheegtay inay fashilisay weerar ismiidaamin ah oo kooxdaasi ay ka fuliyeen magaalada xadka ku taal ee Doollo.

Kenya ayaa markii ugu horeysay ciidamo usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, waxaana ay hadda qeyb weyn ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee ka dhanka ah.

Dowladda Kenya ayaa Al-Shabaab kala kulantay weeraro aargoosi ah oo ay ka mid yihiin weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi sanadkii 2013-kii oo galaaftay nolosha 67 qof iyo weerar lagu qaaday jaamacada Garissa sanadkii 2015 oo ay ku dhinteen 148 qof.

Previous articleXildhibaan ka Tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo la weeraray dilna loogu hanjabay
Next articleDeni oo ka hadlay marki ugu horeesay xiisada Gobalka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here