Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa sheegay in Rag hubaysan ku weerareen hoygiisa oo ku yaala Magaaladaa  Garowe , xilli uu ka soo laababtay marti soor.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane ayaa shir jaraa’id oo xalay ku Magalada Garowe ku eedeyay Ragga isaga weeray in ka tirsan Mucaaradka diidan in la qabto doorashada Golayaasha degaabka ee 3ada degmo iyo in wax laga bedelo dastuurka Puntland.

Advertisement

Xildhibaanka Daashane ayaa sidoo kale waxaa uu yeeshay in kooxda soo weerartay ay ugu hanjabeen dil isaga iyo 6 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Ugu dambeeyntii Xildhibaan Cabdiqani Daashana ayaa waxaa shaaciyay kooxda isaga soo weeratay ay yihiin kuwo soo horjeda Hanaanka Dimoqraadiyada Puntland  isaga iyo Xildhibaanada kale ee Baarlamaanka Puntland aysan Cabdsi gelin Karin.

Previous articleMaamulka Puntland oo Digniin kasoo saaray Imtixaanka shahaadiga ee Somaliland
Next articleAskar Kenyan ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here