MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mida waxaa saaka mar kaliya ka bilowday banaanbaxyo waa weyn oo lagu diidan yahay heshiis ku sheegii Dowlada Itoobiya la gashay maamulka Somaliland.

Meelaha sida weyn uu uga socdo dibad baxa waxaa ka mida barxada daljirka dahsoon iyo isgoyska KM4 xili shaqooyinkii,ganacsigii iyo waxbarashadiiba la hakiyay si dareenka Soomaaliyeed loo muujiyo.

Advertisement

Duqa Muqdisho iyo shaqaalihiisa oo socod ka soo bilaabay xarunta dowlada hoose ayaa lug ku gaaray barxada daljirka dahsoon isagoona ku biiray banaan baxayaasha Soomaliyeed ee halkaasi ku sugan.

Wasiirada soo gaaray goobta banaanbaxa gaar ahaana Taalada daljirka Dahsoon ayaa ka hadlay waxa ka mida Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir.

Wixii soo kordha wararkeena si joogo ah ayad ula socon kartaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleTababar Xamar loogu soo xirey Ciidamo ka tirsan Ilaalada xeebaha iyo shaqaalaha dekada+SAWIRRO
Next articleDAAWO:-Duqa Muqdisho oo ka hadlay banaan baxa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here