War ka soo baxay Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Kenya  iyo kuwa caalamiga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay Booliiska Kenya inay dileen dad shacab ah oo ka badan boqol ruux.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha waxay maanta shaaciyeen in gacanta ciidamada Boliiska ay ku baxeen 118 ruux marka la eego sanadkii hore.
Sidoo kale waxaa Ciidamada Booliiska lagu cambareeyay isla xisaabtan la’aanta marka la eego tacadiyada iyo shacabka ay leynayaan.
Warbixin ay soo saareen hay’adaha waxaa lagu cadeeyay in kala bar dilalka ay dhaceen intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah dambiyada.
45 ka mid ah dadka shacabkaa ayay booliisku dileen sanadkii hore gaar ahaan bilaha  March iyo Julay kadib banaanbaxyo ay dhigeen ururada mucaaradka.
Hay’adaha warbixintaan soo saaray ayaa isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwa kale sida  Human Rights Watch, Amnesty International Kenya iyo kooxda Kenyanka ah ee la yiraahdo Missing Voices
XAFIISKA WARARKA
DAYKIILE.COM
Previous articleDuqa Muqdisho oo maanta xariga ka jaray xarunta Howlgalka Deg-dega ah ee Caafimaadka
Next articleHowlgal Ciidamada Dowladu fuliyeen oo lagu laayay tiro Alshabaab ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here