War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladu howlgal ay sameeyeen ku laayeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.
Warsaxafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 24 April, 2024: In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawigal milateri oo ay iska kaashadeen Clidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada calamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arumood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

Advertisement

Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen.

Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarita lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.

  • -Dhammaad-
Previous articleBooliiska Kenya oo lagu dhaliilay dilalka dad shaca ah
Next articleWasiirka Amniga Somalia muxuu kala hadlay Wasiirada Maamul Goboleedyada+SAWIRROa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here