Muqdisho, Abriil 24, 2024; Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wadashaqeynta Laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka, dardar-gelinta ladagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, tayeynta Booliska iyo xoojinta wadashaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Advertisement

Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta Booliska, isagoo bogaadiyey sida ay uga go’an tahay Wasiirrada Amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed..

Previous articleHowlgal Ciidamada Dowladu fuliyeen oo lagu laayay tiro Alshabaab ahaa
Next articleWararka ugu danbeeyay xaalada Qaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here