QAZA (DAYNIILE.COM)-Dhakhaatiirta Gaza ayaa sii wada in ay soo saaraan meydadka xabaalo wadareedyo ku jira Isbitaalka Nasser ee Khan Younis iyada oo ay soo baxayaan dalabaadyo caalami ah oo ku aaddan baaritaan madaxbannaan oo lagu sameeyo weerarka Israa’iil.
Cabsida laga qabo badbaadada tobanaan kun oo rayid ah oo ku sugan waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya ayaa kor u kacday iyadoo ciidamada Israa’iil ay magaalada ku weerareen xoog xad-dhaaf ah waxayna ku amreen Falastiiniyiinta inay si degdeg ah u cararaan.
Ciidamada Israa’iil ayaa laba guuto oo dagaal ka kala wareegay waqooyiga Israa’iil una wareejiyeen Gaza si ay hawl-gallo millatari oo aan la cayimin uga wadaan Gaza iyadoo walaac laga qabo duulaanka dhulka ee koonfurta magaalada Rafah.
Ugu yaraan 34,262 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,229 kalana waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
Previous articleWasiirka Amniga Somalia muxuu kala hadlay Wasiirada Maamul Goboleedyada+SAWIRROa
Next articleDowlada oo xil ka heshay Hay’adda African Risk Capacity (ARC).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here