Muqdisho, 24 April 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray xarunta Howlgalka Deg-dega ah ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.

Xaruntaan oo laga hirgeliyay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaadka ee Gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntaan Howlgalka Deg-dega ee Caafimaadka dadweynaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida adeegyo Caafimaad oo ay baahi u qabaan Bulshada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka. Asigoona faray Agaasinka Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar in xooga la saaro Arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka Bulshada.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Previous articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya +SAWIRRO
Next articleBooliiska Kenya oo lagu dhaliilay dilalka dad shaca ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here