LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Taliska Ciidamada Booliiska Maaamulka SSC Khaatumo ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan gacan ku dhiigle dil ka gaystay Laas-caakood kadibna baxsaday.

Gacan ku dhiiglaha ayaa shil gaari ku dilay qof wadada marayay kadibna wuu  baxsaday, balse Booliiska ayaa daba galay kadibna soo qabteen.

Advertisement

Saldhiga Booliiska ayuu ku xiran yahay si sharciga loo marsiiyo madaama uu qof nafta dhaafiyay sida sharcigu qabo.

Taliyaha Booliiska SSC Khaatumo ayaa dadaal badan samaeeyay taasoo keentay in Ciidamadu soo qabtaan ninka dhibka gaystay.

Ciidamada Booliiska oo aan heysan qalabka casriga ah ee Booliis ku shaqeeyo ayaa sida sawirada ka muuqato waxay dhagxaan ku wareeiiyeen halka shilku ka dhacay gaar ahaan dhiiga qofka gaarigu dilay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleDilka hadal haynta ka dhaliyey Sweden ee wiilkan Soomaaliga ah loogu xiray, loona maxkamadaynayo
Next articleHogaamiyaha SSC Khatumo oo gudi u magacaabay soo qiimeynta masiibadii qabsatay Magaalada Ballihadhac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here